
Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta tababar ugu soo xiray Dugsiga tababarka Ciidanka Darawiishta Jubaland ee Akadeemiyo guutada Birjeex ee Ciidamada Darawiishta Jubaland.
Guutadan oo mudooyinkii u danbeeyay uu tababar u socday ayaa diyaar u ah howlgalo ay dhawaan Ciidamada Jubaland bilaabayaan oo lagu cirib tirayo Khawaariijta.
Madaxweynaha ayaa u mahad celiyay sarakiisha iyo askarta tababarka dhamaystay iyo sidoo kale macalimiinta Dugsiga tababarka dadaalkii ay ku bixiyeen sidii ay usoo saari lahayeen ciidamo jir ahaan iyo maskax ahaanba diyaar u ah xoraynta dalkooda.
Waxaa Madaxweynahu uu sheegay in howlgalada dhawaan bilaabanaya ay ciidankan laf dhabar u yihiin isla markana guulo wax ku ool ah ay keeni doonan.






![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







