Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Fadaraalka iyo dib u hishiisiinta Jubbaland oo kulan lagu daah-furayay qandaarska dhismaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland.

76
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Fadaraalka iyo dib u hishiisiinta Jubbaland mudane Maxamed Ibraahim Ogle ayaa maanta shir gudoomiyay kulan lagu daah-furayay qandaarska dhismaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland.
Kulankan ayaa waxaa kasoo qayab galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Howlaha Guud, kusimaha Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland Maxamed Caseer, La taliliyaha Barnamijyada Xasilinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, masuuliyiin ka socotay Hay’adda NIS Foundation iyo Canpaaniyada u tartamaya dhismaha Wasaaradda.
Kulanka ayaa intuu socday lagu soo bandhigay naqshadda dhismaha xarunta guud ee Wasaaradda ay noqonayso taas oo rajadu ay tahay in ay dhawaan bilaabato islamarkaana la hirgaliyo xarun si weyn looga shaqeeyay dhismaheeda.
Maxamed Ibraahim Ogle Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Fadaraalka iyo dib u hishiisiinta Jubbaland ayaa tilmaamay in ay maanta ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland ay u tahay maalin wayn loona baahanyahy in la xoojiyo dadaalada lagu horumarinayo adeegyada muhiimka u ah bulshada iyo Dowladaba.