Boqolaal qoys oo danyar ah oo ku nool deegaanka kudhaa ee hoostaga degmada Badhaadhe ayaa loo qeybiyay deeq raashin oo ay ugu tala gashay Dowlada Jubbaland

105
Boqolaal qoys oo danyar ah oo ku nool deegaanka kudhaa ee hoostaga degmada Badhaadhe ee gobolka Jubada hoose ayaa maanta loo qeybiyay deeq raashin ah taasi oo ay ugu tala gashay Dowlada Jubbaland oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam.
Maamulka deeganka kudhaa iyo laamaha amniga oo is kaashanayo ayaa ku guuleystay in si amni iyo nabad gelyo leh loogu qeybiyo dadka deegaanka deeqda raashinka ah ee uga timid Dowlada Jubbaland waxa ayna qaarkood dadkaasi oo la hadlay televisionka Jubbaland ka mahad celiyeen deeqdan raashinka ah ee maanta la gaarsiiyay.