Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Jubbaland oo soo xirtay tababar aqoon koroorsi ah oo ku saabsan wada hadallada aan xanafta lahayn.

88
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Cadaaladda iyo arimaha Dastuurka Jubbaland mudane Bishaar Aadan Geedi ayaa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ku soo xiray tababar aqoon koroorsi ah oo ku saabsan wada hadallada aan xanafta lahayn.
 
Tababarka oo socday muddo sadax maalin ah ayaa loo qabtay qaybaha kala duwan ee shaqaalaha Dowlada, xubno ka socday bulshada rayidka ah, sida Culimadda,
Dhalinyarada, Haweenka, Odoyaasha iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
 
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Cadaalada iyo arimaha Dastuurka Jubbaland mudane Bishaar Aadan Geedi oo soo afmeeray tababarka ayaa kula dardaarmay ka qaybgalayasha tababarka in cilmigii ay barteen ay ku celiyaan bulshada oo ay uga faa’iideeyaan.