Taliyaha Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee Gobolka Gedo oo gaaray degmada Baladxaawo.

126
Taliyaha Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee Gobolka Gedo Gen Jamaal Xasan Sarey oo safar dhulka ah kaga soo ambabaxay magaalada Dolow ayaa soo gaaray degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo.
Saraakiisha Ha’ayada NISA ee ku sugan degmada ayaa si diiran Taliyaha ugu soo dhaweyay degamda waxaana uu intaa kadib si guud ula hadlay dhamaan ciidamada Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee ka hawlgala degamda Baladxaawo ee Gobolka Gedo.
Taliyaha ayaa ciidanka ku amaanay gudashada waajibaadka Qaranka, ilaalinta shacabka iyo u dhaga nuglaanta awaamiirta hoggaanadoda, waxaa uuna kula dardaarmay sii laba-jibbaaridda adkeynta Amniga iyo xasiloonida degaanka.