Wasiirka Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Jubbaland oo qaabilay Madax ka socotay hay’adda GIZ,

77

Wasiirka Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dowaladda Jubbaland ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madax ka socotay hay’adda GIZ gaar ahaan Mashruuca SEPOW.

Wasiirka waxaa ku wehelinayay shirka Wasiir ku xigeenka Wasarada, kusimaha Agaasimaha guud iyo lataliyaha Wasaarada ee arimaha ilaalinta bulshada.
Ujeedka shirka ayaa ayaa daarranaa in laga wada hadlo sidii loo dardar galin lahaa howlaha shaqo ee taagan, iyo sidii loo gaarsiin lahaa mashruuca dadka nugul ee ay xaaladoodu adagtahay.
Gaba-gabadii waxaa shirka soo xiray Wasiirka Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mohamed Ahmed Ali, waxaana lagu balamay in la joogteeyo shirarka dibna kulama kale la isugu yimaado.