Wasiirka Amniga Dowladda Jubbaland oo laa kulmay Sarkaal ka socday Xafiiska UN-ka ee Kismaayo,

0
579
Wasiirka wasaaradda Amniga gudaha Dowladda Jubbaland Sareeye Gaas Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Sarkaal ka socday Xafiiska UN-ka ee Kismaayo.
Kulanka ayaa waxaa wasiirka ku wehelinayey Taliyaha qeybta booliska gobolka Jubbada hoose iyo Agaasimaha guud ee wasaaradda Amniga gudaha dowladda Jubbaland.
Masuliyiinta oo kulankooda daarranaa is-barasho ayaa ka wada hadlay arrimaha amniga iyo sare u qaadida aqoonta booliska, ka hortagga askareynta carruurta iyo falalka argagaxiso ee wax u dhimi kara xasiloonida deegaanada Jubbaland.
Sidoo kale bixitaanka ciidanka howlgalka midowga Africa ee ATMIS ee qaar kamid ah deegaanada Jubbaland ee ay fariisimada ku leeyihiin ayaa qayb ka ahayd waxyaabaha looga hadlay kulanka.
Taliyaha Qeybta booliska Gobolka Jubbada hoose Gaashaanle sare Sadiiq Maxamuud Dhogor ayaa dhankiisa xogo dheeraad ah ka siiyey masuuliyiinta shirka qaybta ka ahaa shaqooyinka muhiimka ah ee boolisku u hayaan bulshada, isagoo xusay in booliska Jubbaland ay gacanta ku dhigeen Burcad badeed hubeysan oo rabay inay dhibateeyaan doomaha iyo maraakiibta ku soo xirta Dekadda magaalada Kismaayo.