Wasiirka qorshaynta Jubbaland oo Nairobi kullan kula qaatay madax uu hogaaminayay wakiilka Bankiga aduunka ee Soomaaliya.

0
162
Si looga jawaabo abaaraha daraan ee kajira deegaanada Dowlada Jubbaland ayaa Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Maalgashiga iyo iskaashiga caalamigaa ee Jubbaland Abdiraxman Cabdi Axmed, oo ay weheliyaan Wasiirka kaluumaysiga iyo Gudoomiye kuxigeen Hay’adda qaxootiga iyo barakacayaasha Jubbaland iyo masuuliyiin kle waxa ay kulan Muhiin ah kula qaateen Magaaalada Nairobi madax uu hogaaminayay wakiilka Bankiga aduunka ee Soomaaliya.
Shirka ayaa diira lagu saaray siidi looga jawaabi lahaa abaaraha ka jira Jubbaland taas oo saamaysay dad aad u badan sida ay kulanka ay kusoo badhigeen madaxda ka socotay Jubbaland.
Kulanka ayaa lagu fala gurey dib u qabaynta mashaariicda uu Bankiga aduunka uu ka fuliyo Soomaaliya Si mudnaanta loo siiyo Hormarka kala duwan ee dalka.