Hantidhawrayaasha Soomaaliya & Turkiga oo ka arrinsaday sidii ay u sameysan lahaayeen wada shaqayn

312

Hantidhawraha guud ee Qaranka Abuukaate Axmed Ciise Guutaale ayaa kulan fogaan-arag ah la qaatay Guddoomiyaha Hay’adda Hantidhawrka Guud ee Jamhuuriyadda Turkiga (Turkish court of Accounts) Metin Yener.

Kulanka Hantidhawrayaasha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa diiradda waxaa lagu saaray sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeya laba Xafiis iyo sidii ay u sameysan lahaayeen wada-shaqaynta iyo Iskaashiga Hay’adaha Hantidhowrka Labada dal.

Hantidhawraha guud ee Qaranka Abuukaate Axmed Ciise Guutaale oo shirka ka dib qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebooka ayaa sheegay in iskaashiga labada dal uu yahay kobcinta iyo horumarinta awoodda farsamo ee baarista Tiknoolojiyadda.

Hantidhawraha guud ee Qaranka Abuukaate Axmed Ciise Guutaale ayaa ugu mahadceliyay Hey’adda hantidhowrka Turkiga sida ay uga go’an tahay Taageerada, aqoon iyo Waaya-aragnimo la wadaagidda Hey’adda Hantidhowrka Soomaaliya.

Abuukaate Axmed Ciise Guutaale Hantidhawraha guud ee Qaranka oo xilkaan Golaha Wasiirrada Soomaaliya ay u magacaabeen February 9, 2023-ka ayaa wadada dadaallo uu xafiiskiisa ku xoojinayo isla xisaabtanka hay’adaha Dowladda iyo sidii xafiiska xiriir adag ula yeelan lahaa Hay’adaha caalamiga ee shaqo wadaag yihiin.