Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Ka Dagay Degmada Xudur

298

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi wasiiro iyo xildhibaano uu hoggaaminaayo ayaa goor dhow gaaray magalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool.

 

Sheekh Aadan Madoobe iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Xudur ku soo dhoweeyay wasiiro, Xildhibaanno ka tirsan Dowladda Federaalka iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed.

Sidoo kaleΒ  waxaa soo dhoweynta qeyb ka ahaa maamulka gobolka Bokool iyo kan degamadda.

Safarka Guddoomiyaha ayaa ujeedkiisu yahay sidii Koonfur Galbeed loogu bilaabi lahaa dagaalkaka dhanka ah Maleyshiyaadka Al-Shabaab.