
Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Jubbaland, Sareeye Gaas Yusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal,horena u soo noqday Taliyihii ciidanka Xoga dalka Somaliyeed, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed munaasabadda sanad-guurada 65-aad ee aas-aaskooda.
Wasiirka ayaa ku ammaanay ciidanka geesinimada, naf-hurnimada iyo doorka ay ka qaataan difaaca qaranka, isagoo xusay in ay yihiin laf-dhabarta dowladnimada iyo ilaalinta midnimada ummadda Soomaaliyeed.
Dhanka kale, wuxuu tilmaamay caqabado ay ka mid yihiin qalab yari, baahida tababar, iyo saameynta siyaasadeed ee mararka qaar lagu yeesho ciidanka, taas oo uu ku baaqay in laga fogaado si loo ilaaliyo sumcadda iyo awoodda ciidamada.
Ugu dambeyn, Wasiir Dhuumaal ayaa ku booriyay ciidamada inay sii wadaan dadaalkooda, isla markaana la xoojiyo taageerada iyo horumarinta hay’adaha amniga dalka.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







