Puntland oo Somaliland ugu baaqday in ay Ciidamadeeda kala baxdo Magaalada Ceerigaabo

338

Dowlad Gobaleedka Puntland ayaa maamulka Somaliland ugu baaqday in ay ka saran Ciidamada maamulkaas ee ku sugan Magaalada Ceerigaabo oo ah magaalo madaxda gobolka Sanaag.

Qoraal kooban uu soo dhigay Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayuu ku yiri, “Maalmihii u dambeeyey waxaan si dhow ula soconay in Maamulka Soomaaliland uu dhibaato iyo fad-qalalooyin uu  iskaga horkeenayo bulshada degan magaalada Ceerigaabo uu  halkaasi ka waday.”

Sidoo kale Karaasha ayaa Somaliland ugu baaqay in ay kala baxaan Ciidamadooda Magaalada, “Waxaan ugu baaqaynaa Maamulkaas inay si deg deg ah uga saaraan Ciidamada ay kasoo abaabuleen deegaanka Oog ee ay geeyeen Koonfurta Ceerigaabo si ay ugu dhibaateeyaan shacabka halkaas degan,”

Ugu dambeyn Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa sheegay in maamulka Somaliland ay mas’uuliyadda qaadi doonaan wixii ka dhasha halkaas, “hadiise ay dhegaha ka furaystaan, waxay la kulmi doonaan waxaysan mahadin doonin, masuuliyadeedana iyagaa qaadi doona.”