
Waxaa Degmada Dhobley ka dhacay kulan xil-wareejin ah oo dhexmartay masuuliyiinta caafimaadka degmada, kaddib isku-beddelka xilalka ee ay dhawaan shaacisay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowlad Jubbaland.
Dr. Cabdifitaax Axmed Maxamed oo hore u ahaa Isku-duwaha Caafimaadka Degmada Dhobley isla markana loo dalacsiiyey masuulka cusub ee Isku-duwaha Caafimaadka Gobolka Jubbada Hoose ayaa xilkii hore ku wareejiyey Dr. Cabdisalaan Maxamed Yuusuf oo loo magacaabay Isku-duwaha cusub ee Caafimaadka Degmada Dhobley.
Kulanka xil-wareejinta kaddib, labada masuul ayaa kormeer shaqo ku tagay Isbitaalka Guud ee Degmada Dhobley halkaas oo ay u kuur galeen xaaladda adeegyada caafimaadka, shaqada socota iyo habsami-u-socodka howlaha isbitaalka.
Dr. Cabdifitaax Axmed Maxamed ayaa dhankiisa u mahadceliyey dhammaan shaqaalaha iyo masuuliyiinta caafimaadka degmada Dhobley isaga oo uga mahadceliyey wada-shaqayntii, taageeradii iyo garab istaaggii ay la garab taagnaayeen muddadii uu xilka hayey.
Sidoo kale, wuxuu Alle uga baryey dhammaan shaqaalaha iyo masuuliyiinta caafimaadka in uu u fududeeyo shaqada muhiimka ah ee ay bulshada u hayaan, kuna guuleeyo dadaallada ay ugu adeegayaan shacabka degmada.
Isku shaandeyntan cusub ee xilalka ayaa qayb ka ah dib-u-habaynta maamulka iyo shaqaalaha caafimaadka ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dawlada Jubbaland waxaana la rajaynayaa in masuulka cusub uu sii xoojiyo tayada iyo horumarinta adeegyada caafimaadka ee bulshada degmada Dhobley.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







