
Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Dowladda Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo ku martigelisay kulan looga hadlayay ansixinta qiimeynta adeegyada kaalmo sharciyeedka Soomaaliya, kaas oo diiradda lagu saaray xaaladda adeegyada kaalmo sharciyeedka, caqabadaha jira iyo sidii loo horumarin lahaa loona gaarsiin lahaa bulshada ku nool deegaannada kala duwan ee dalka.
Kulanka waxaa ka qeybgalay Agaasimayaasha Wasaaradaha Caddaaladda ee heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed, Wasiirka Amniga Gudaha Jubbaland, Wasiirka wasaaradda haweenka, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Jubbaland, Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamadada, xildhibaanno, Agaasimayaal ka socday wasaaradaha Jubbaland, saraakiil ciidan, odayaasha dhaqanka, qareenno, ururrada haweenka, dhallinyarada, maamulka Dowladda Hoose ee Kismaayo, mas’uuliyiin ka socday jaamacadaha iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cabdullaahi Cabdiqaadir Aadan Qaanuuni, ayaa ugu u mahadceliyay martidii iyo dhammaan ka soo qeybgalayaashii kulanka, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay qiimeynta adeegyada kaalmo sharciyeedka iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan ee horumarinta adeegyadaas.
Ugu dambeyn, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaaladda ee Dowladda Federaalka, ayaa uga mahadceliyay Dowladda Jubbaland martigelinta kulanka iyo dhammaan ka soo qeybgalayaasha, isagoo tilmaamay in natiijooyinka ka soo baxday qiimeyntan ay saldhig u noqon doonaan qorsheyaasha lagu horumarinayo adeegyada kaalmo sharciyeedka dalka.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







