Guddiga madaxa banaan ee dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka oo doortay Guddoomiye ku-xigeen

630

Guddiga madaxa banaan ee dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka ayaa Maxmed Xasan Idris (Geney) u doortay Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga kadib doorasho Ka dhacday xafiiska Guddiga oo Ku yaala xarunta golaha Aqalka Sare.

Xubnaha guddiga ayaa wadar ogol ku doortay kadib soo jeedinta Guddoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka Burhaan Aadan Cumar.

Guddoomiye Ku-xigeenka la doortay ee Guddiga madaxa banaan ee dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka ayaa Ka mid ahaa xildhibaanadii Golaha Shacabka ee Baarlamaankii 10aad, sidoo kale wuxuu ahaa La-taliyaha gaarka ah ee arimaha siyaasada iyo amniga ee Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS.

Guddiga madaxa banaan ee dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka ayaa 21 March 2023-ka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud saxiixay soojeedinta Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ee magcaabista xubnaha Guddiga Madaxa bannaan ee dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka.