Maleeshiyada argagixisada Al-Shabaab oo lagu dilay dagaallo ka dhacay Gobolka Hiiraan

436

Dagaal culus ayaa saacadihii la soo dhaafay ku dhexmaray degaanka Ceeleey oo Hoostaga Degmada Maxaaas ee Gobolka Hiiraan Ciidamada dowlada iyo kuwa degaanka ee loo yaqaanno macawiisleyda iyo maleeshiyaad ka tisrasan nabad diidka Al-Shabab.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay kadib markii argagixisada Al-Shabaab ay weerar gaadma ah ku qadeen degaanka Ceeleey oo ay ku suganeen maleeshiyaadka degaanka, waxaana halkaasi ka dhacay dagaallo saacado badan qaatay oo soo bilaawday shalay Gelinkii dambe, soona gaaray saacadahii danbe ee xalay.

ku dhawaad 50 maleeshiyada al-shabaab iyo horjogayashoda ayaa lagu dilay dagaalka,halka tira intaa kabadana lagu dhaawacay iyadoona ciidamada dowlada iyo kuwa degaanka ay ka soo furteen argagixisada hub aad u farabadan.

Intii uu dagaalka socday ayaa waxaa halkaasi soo gaaray cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan degmada Maxaas.