Ku-simaha Madaxweynah Puntland oo kulan la qaatay Wafdi ka socday QM

681

Ku-simaha Madaxweynah Ahna Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Gobaleedka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Madaxda Kooxda Ilaalinta Xuquuqul Insaanka UNSOM ee Soomaaliya Mrs Kirsten Young Ahna Wakiilka Xafiiska Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Aadanaha (OHCHR) iyo wefdi ay hoggaaminayo.

Kulanka ayaa looga hadlay xaalada xuquuqul Aadanaha ee Puntland, Hir-gelinta Xeerka Caalamiga ah ee dhowrista Xuquuqda Maxaabiista iyo xukunka da’yarta lagu helo dembiyada culus, dhismaha xarunta dhaqan celinta da’yarta, Horumarinta iyo Dhisidda Xabsiga Galkacyo iyo Xarunta Maxkamadda Ciidamada, Tababarka Garsoorka dhanka shuruucda Caalamiga ah iyo Xoojinta xafiiska xuquuqul Aadanaha Puntland iyo dhisida xarunta dhexe ee xafiiska.

Madaxa xafiiska xuquuqul aadanaha UNSOM ee Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay Madaxweynaha sida ay u garab istaageen xafiiska xuquuqul Aadanaha iyo shaqada wanaagsan ee ay qabteen.

Kulanka waxaa ka qayb galay guddoomiyaha xuquuqul Insaanka Puntland, Wasiirul dowlaha Madaxtooyada, Agaasimaha Madaxtooyada iyo Saraakiil Madaxtooyo.

Ugu dambayn Kusimaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa uga mahadceliyey weftiga booqashadooda ay ku yimaadeen Puntland