
Iyadoo Wareegga cusub ee wadahadalka Vienna ee lagu soo nooleynayo Qorshaha Wadajirka ah ee heshiska Nuclearka Iran uu galay maalintiisii afaraad, diblomaasiyiinta ugu sareysa Iran iyo Ruushka ayaa kulamo gaar gaar ah la leh madaxda Yurub si loo dhameeyo qodobbada heshiiska ee barnaamijka Nukliyeerka ee Iran.
Madaxa Wadaxaajoodkan ee Ruushka Mikhail Ulyanov ayaa yiri: “Fikradayda, wada-xaajoodyadani waxay ahaayeen kuwo wanaagsan, Waana ku rajo weynahay. wadahadalladan waa kuwo dhab ah oo wanaagsan.”
Ulyanov ayaa ayaa intaa ku daray: “Dhinacyadu way is dhegaysanayaan, waxayna raadinayaan xal lagu heshiiyo.”
Isagoo ka jawaabaya su’aasha ah ilaa intee in le’eg ayay wadahadalladu socon doonaan, wakiilka Ruushka wuxuu xusay: “Ma garanayo inta ay wada xaajoodyadani socon doonaan.”
Goor sii horeysay, Mikhail Ulyanov, safiirka Ruushka iyo wakiilka joogtada ah ee hay’adaha caalamiga ah ee fadhigoodu yahay Vienna, ahna madaxa ergada Ruushka ee wada xaajoodka in cunaqabateynta la qaado, ayaa ku soo qoray bartiisa twitter-ka: “Maanta ayaa mar kale la kulmay Isuduwaha Midowga Yurub, waxayna u egtahay inaan horumar sameynayno.