
Taliska Booliiska Dowladda Jubbaland iyo Wasaaradda Waxbarashada, iyagoo ka duulaya ilaalinta habsami u socodka Imtixaanka Qaranka ee Fasalka 12-aad, ayaa gacanta ku dhigay eedeysane Axmed-Nuur Muxiyadiin Axmed oo ku eedeysan faafinta muuqaalo been abuur ah oo la xiriira imtixaanka.
Eedeysanaha ayaa baraha bulshada ku baahiyay muuqaalo marin-habaabin ah oo uu ku muujinayo in imtixaanka la qishayo, taasoo khal-khal iyo jahawareer ku abuuri kartay bulshada, gaar ahaan ardayda u fadhiisatay imtixaanka.
Axmed-Nuur Muxiyadiin Axmed, oo kamid ah ardayda Fasalka 11-aad, ayaa laamaha amniga gacanta ku dhigeen si loo ilaaliyo kalsoonida iyo habsami u socodka Imtixaanka Qaranka.
Eedeysanaha ayaa raalli-gelin ka bixiyay wararka iyo muuqaallada been abuurka ah ee uu faafiyay.
Afhayeenka Booliiska Dowladda Jubbaland, Dhamme Shukri Faarax Ducaale, ayaa sheegay in aan marnaba la aqbali karin in lamarin habaabiyo bulshada, gaar ahaan ardayda oo ah mustaqbalka dalka, lagu marin-habaabiyo warar been abuur ah oo wax u dhimaya kalsoonida imtixaanka qaranka.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







