
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa Axadii soo dhaweeyay xabad joojinta marinka Qaza lagaga dhawaaqay ee u dhaxaysa Israa’iil iyo kooxda Falastiiniyiinta ee Islamic Jihad.
Guterres ayaa sidoo kale ku ammaanay Masar dadaalkeeda ay si dhow ula shaqeyso Qaramada Midoobay si ay gacan uga geysato soo celinta xasilloonida, ayaa lagu yiri bayaan kazoo baxay Xafiiska xoghayaha guud
Sidoo kale waxa uu tacsi u diray ehellada dadkii ku dhintay rabshadahaasi.
“Wuxuu aad uga xun yahay khasaaraha nafeed iyo midka dhaawaca ah ee ay ku jiraan carruurta, ee ka dhashay duqeymaha cirka ee Gaza iyo gantaallada aan loo meel dayin ee Israa’iil looga soo ridayo xarumaha dadweynaha ee Qaza ee ay fulinayaan Ururka Islamaci Jihad ee Falastiin iyo kooxaha kale ee mintidka ah,” ayay raacisay.
Isagoo ugu baaqaya dhammaan dhinacyada inay dhawraan xabbad joojinta, Guterres waxa uu dib u xaqiijiyay ka go’naanta Qaramada Midoobay ee ku aaddan in la gaaro xal laba dowladood ah oo ku saleysan go’aannada Qaramada Midoobay ee khuseeya.
Xabbad-joojin ay Masar dhexdhexaadinayso oo Marinka Gaza ku dhexmartay Israa’iil iyo Islamic Jihad ayaa dhaqangashay Axaddii abaare 11.30 habeenimo. waqtiga maxaliga ah.