Guddiga doorashooyinka Kenya oo shaqada ka ceyrisay Masuuliyiin lagu helay in ay la kulmeen musharrixiin

0
675

Afar mas’uul oo ka tirsan Guddiga doorashada Kenya oo lagu helay inay shir ku lahaayeen guriga nin horey u doonayay kamid noqoshada golaha deegaanka ee ismaamulka Homa Bay ayaa xilka laga qaaday.

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC ayaa mas’uuliyiintan tusay Fal dambiyeedka ay ka galeen doorashada.

Fredrick Apopa oo kamid ah madaxda guddiga doorashada ee Ismaamulka HOma Bay ayaa sheegay in saraakiishu ay ku qaldanaayeen ka qeyb galka kulanka.

“Shir lalama yeelan karo siyaasiyiinta marka sharcigu dhigayo inaad dhexdhexaad ka ahaato,” ayuu yiri.

Mr Apopa ayaa sheegay in mas’uuliyiintan lagu soo wargeliyay in ay la kulmeen xubno ka tirsan golaha deegaanka iyo xildhibaan ka tirsan xisbi siyaasadeed iyo kuwo kale.

Ma cadda waxa ay kooxdu ka hadlaysay.

Laakin dadka deegaanka Kanyikela oo shirka xoog ku galay oo tuhmanayaasha geeyay saldhiga ayaa ku andacooday in ay qorsheynayeen sidii ay wax uga qaban lahaayeen doorashada Talaadada.

Mr Apopa waxa uu sheegay in baadhayaashu ay eegayaan eedaymaha isla markaana ay qaadi doonaan tillaabada lagama maarmaanka ah haddii tuhmanayaasha lagu helo inay galeen dembi doorasho.

Qaar ka mid ah dadka su’aalaha la weydiinayo ayaa ah dadka deegaanka oo dacwadda tuhmanayaasha geeyey saldhigga booliska ee Ndhiwa.

“Natiijooyinka baaritaanka ayaa go’aamin doona in dacwad lagu soo oogi doono iyo in kale, waxay ku xiran tahay booliiska iyo xafiiska agaasimaha xeer ilaalinta inay ka qaadaan tallaabo sharci ah,” ayuu yiri sarkaalka ka tirsan guddiga doorashada Kenya

Eedeysanayaasha ayaa isugu jiray guddoomiye, laba guddoomiye ku xigeen iyo karraani.

Dadka deegaanka ayaa carqaladeeyay shirka, ayagoo saldhigga geeyay raggii laga shakiyay.

Saraakiisha kale ee IEBC ee ka qeyb galayay kulanka ayaa baxsaday ka dib markii ay arkeen dad badan oo ku soo qul qulaya guriga.

Mr Apopa ayaa sheegay in guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha Kenya  uu leeyahay nidaam lagu buuxinayo boos banaan oo ay abuurtay shaqo ka ceyrintii shaqaalaha doorashada.