Dowladda Mareykanka oo sheegtay in ay beegsatay xubno ka mid ah Ururka Al-Shabaab

615

Taliska ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya ayaa shaaciyey in iyagoo kaashanaya ciidamada dowladda Soomaaliya ay duqeymo ka fuliyeen degaanka Beerxaani ee gobolka Jubbada Hoose.

Taliska ayaa sheegay in halkaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.
Shan xubnood ayaa la xaqiijiyey in duqeyntaas looga dilay Al-Shabaab, mana jiraan wax khasaare ah oo soo gaaray dad rayid ah sida uu sheegay taliska.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa saaxiibadeeda caalamka waxaa ka go’an inay ciribtirto kooxaha argagixisada ah, si dalka loogu soo dabaalo nabad iyo xasilooni” ayaa lagu yiri war kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Ciidanka Mareykanka ayaa rasmi ah u dib u bilaabay duqeymaha ka dhanka ah ururka Al-Shabaab ka dib markii dhawaan ay kusoo laabteen Soomaaliyaaa.