Guddiga FIET oo sheegay in aan la aqbali Karin in dib looga dhaco waqtiga dhaarinta Xildhibaannada

580

Guddiga doorashooyin heer Federaal ayaa weli Maalintii Shanaad Magaalada Muqdisho ka wada diiwaangelinta & Shahaado siinta Xildhibaannada, iyaga oo Shahaado siiyay Xildhibaannadii ugu badnaa ee labada Aqal.

Guddoomiye kuxigeenka Guddiga doorashooyinka Heer Federaal Mowliid Mataan ayaa sheegay in Xildhibaannada labada Aqal loo fududeeyay sida ay ku qaadan karaan Shahaadada, sidoo kalena siweyn loo adkeeyay Amniga Goobta lagu siinayo.

Waxaa uu ugu baaqay in Xildhibaannada weli aan qaadan Shahaadada ee ku sugan dalka dibaddiisa & kuwa dowlad Goboleedyada jira inay si deg deg ah ku tagaan Xarunta uu ku howlgallayo Guddiga, si loo diiwaangeliyo, isla markaana u qaataan Shahaadada rasmiga ah ee Xildhibaannimo.

Ugu dambeyn Guddoomiye kuxigeenka Guddiga doorashooyinka Heer Federaal Mowliid Mataan wuxuu sheegay in waqti badan aan la heysan sidaas daraadeedna aan la xamili Karin in dib looga dhaco waqtiga dhaarinta Xildhibaannada oo ku began 14-ka Bishaan.