
Maamulka degmada kismaayo oo kaashanaaya maamulka dekada magaalada kismaayo iyo ururada hawenka ayaa maanta waxaa ay bilaabeen dayactir laga sameeynaayo wadada aada qacle ilaa iyo santarka shaqaalaha.
Dadka iyo Gadiidka Isticmaala wadadaan ayaa dhibaato ku qaba Isticmaalkeeda maadama ay burbursan tahay.
Gudoomiye ku xigeenka degmadda Kismaayo Cabdirashiid Cabdi Ibraahim maduuloow ayaa goobta ka hadlay,waxaana uu u mahadceliyey masuuliyiinta Dekeda magaalada Kismaayo oo gacan ka gaysanaya dayactirka lagu samaynaayo wadadaan oo muhiim u ah Bulshada.
Gudoomiyaha degmada kismaayo Cumar Cabdullahi Maxamed Faraweyne ayaa umadda soomaaliyeed ugu hambalyeeyay sanadka cusub,waxa kale oo sheegay in bilaawga sanadkaan uu ugu bilaawdey shaqo ay u hayaan bulshadooda.