Munaasabad lagu dhiirigalinaayey haween ku nool Kismaayo oo sameeya dharka hidaha iyo dhaqanka ayaa Kismaayo lagu qabtay.

73

Munaasabad lagu soo bandhigay dharka hidaha iyo dhaqanka oo gacantooda ku sameeyeen haween Soomaaliyeed oo ka mida Ururka Iftin Women Group ayaa lagu qabtay magaalada Kismaayo.

Munaasabada ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiir Kuxigeenka wasaaradda Haweenka Jubbaland Idil Maxamed Mursal,Saynab Rashiid Cige oo agasimaha guud ee wasaaradda deegaaanka iyo dalxiiska Jubbaland iyo Gabdho xildhibaano ka socday Barlamaanka Jubbaland.

Gudomiyaha xarunta dhiraynta ee Iftina Woman Group Marwo Bareey garweyne ayaa ka warbixisay muhiimada ay leeadahay samaynta dharka hidaha iyo dhaqanka.

Agasimaha maamulka iyo maaliyada ahna ku simaha Agasimaha wasaaradda Ganacsiga Jubbaland maxamed Faarax Axmed ayaa u balaan Qaaday in ay ururka haweenka iftin Woma group ay siindoonaan Shati ganacsi oo dhiiri galin u ah.
Qaar ka miid ah gabdhaha la soo baray samaaynta dharka hindaha iyo dhaqanka Soomaliyeed ayaa sheegay in aay ku shaqeen doonan xirfada loo tababaray.

Wasiir ku xigeenka Wasaraadda haweenka iyo xuquuql insaanka Jubbaland aya soo dhaweeysay ururka haweenka iftin Woman group ee Jubbaland. Iyadona soo xirtay munasabadaas lagu so bandhigaye dharka hidaha iyo dhaqanka