Midowga Yurub oo dib u billaabay Mushaarka Ciidamada Booliska K/Galbeed

1079

Dowlaha Midowga Yurub iyo dalalka Jarmalka Ingiriiska ayaa dib u bilaabay mushaaradka ay siin jireen Ciidamada Booliska Koonfur Galbeed,kaas oo ay u joojiyeen sababao la xiriiray rabshadihii dhimashada sababay ee ka dhacay Baydhabo,kadib xarigii Muqtaar roobow.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Midowga Yurub ayaa lagu sheegay Todobo bilood, kadib Midowga Yurub uu dib u bilaabay mushaaraadkii Ciidamada Booliska Koonfur Galbeed uu siin jiray,kuwaas oo hakad galay.

Sidoo kale War-Saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Midowga Yurub ay ka go’an tahay ilaalinta iyo dhowrista xaquuqda Aadanaha,iyada oo ay xusid mudan tahay in Rabshadihii ka dhacay Baydhabo ee khasaaraha geystay ay dalalka Midowga Yurub ku tilmeen xasuuq Shacab

Ugu dambeyn Midowga Yurub ayaa waxaa ay sheegeen in taakuleynta Ciidamada Booliska ay sii wadi doonaan,si ay uga qeyb qaataan sugida Amniga deegaanada Dowlad goboleedyada