
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa daah furay adeega VISA Card cusub oo uu soo kordhiyay bangiga IBS, kaas oo qeyb weyn ka qaadanaya horumarka ganacsi ee dalka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa boggaadiyey dadaallada ganacsatada Soomaaliyeed ee ku qotoma hal abuur ganacsi oo lagu saleynayo baahiyaha muhiimka u ah bulshada Soomaaliyeed.