
Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda Jubbaland, Mudane Siyaad Ibrahim Mohamed, ayaa magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya kaga qeyb galay Shirka Madasha 4-aad ee Dib-u-habaynta Maamulka Dadweynaha ee labada heer ee Dowladda, kaas oo halkaasi lagu soo gabagabeeyay.
Shirkan oo muhiimad weyn u leh horumarinta Maamulka Dowladeed ayaa waxaa ka qeyb galay wufuud ka socotay dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah hay’adaha Dowladda Federaalka.
Dowladda Jubbaland waxaa shirka uga qeyb galay Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka, Mudane Siyaad Ibrahim Mohamed, oo halkaasi ka jeediyay khudbad muhiim ah.
Guddoomiyuhu wuxuu khudbaddiisa ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay taageeridda hanaanka togan ee ka qeybgalka haweenka ee hay’adaha kala duwan ee dowladda, si loo gaaro dheelitir bulsho iyo cadaalad ku saleysan sinnaanta fursadaha shaqo.
Wuxuu sidoo kale dhiirrigeliyay doorka.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







