
Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa ka faah faahin ka bixiyay howlgaladii saacadihii lasoo dhaafay Ciidanka Xoogga dalka qeybta 21-aad iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ka fuliyeen degaano ka tirsan Gobolka Mudug.
Wasiir Falagle oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa u sheegay in Ciidamada Xoogga iyo kuwa Galmudug ay dagaalamayaasha Al-shabaab kala wareegeen deegaano hoostega Bacaadweyn oo horey u qabsadeen.
Waxaa uu sheegay Wasiirka in Ciidamada ay gacanta ku hayaan deegaanada kala ah Bacaadweyne, Tuulooyinka Qeycad iyo Hareeri dheer, isla markaana laga saaray Al-shabaabkii ku sugSidoo kale Wasiirka Warfaafinta Galmudug ayaa beeniyay wararka sheegaya in Al-shabaab ay dib u qabsadeen Bacaadweyne oo shalay Ciidamada Xoogga qeybta 21-aad ay la wareegeen, waa sida uu hadalka u dhigay Wasiirka.
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaaladii ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Mudug oo labada dhinac soo kala gaaray, in kastoo aan si rasmi ah loo cadeyn tirada khasaaraha.
Dhinaca kale Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda qadka ayaa waxaa ay ku sheegteen inay dib u qabsadeen deegaanka Bacaadweyne ee Mudug, kadib markii weerar xoogan oo gelinkii dambe ee shalay ku qaadeen deegaankaas.naa, kadib dagaalo saacado qaatay oo halkaas ka dhacay.