Ra’iisul wasaare Rooble oo u hambalyeeyay Hirshabeelle

739

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu hambalyeeyay Madaxweynaha Hirshabeelle, Madaxweyne Ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle iyo Guud ahaan Bulshadda Hirshabeelle munaasabadda sanad guuraddii 5-aad ee aas-aaska Dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Ra’iisul wasaare Rooble oo munaasabadda hadal kaga jeediyay asagoo aaladda foggaan aragga ayaa ku bogaadiyay Dowlad Goboleedka Hirshabelle in ay soo gabagabeeyeen doorashadii Aqalka Sare isaga oo si guud u hambalyeey Senatarada la soo doortay.

Waxaa uu ku booriyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble madaxda dowlad Goboleedka Hirshabelle inay u diyaar garoobaan qabashada doorasha Gollaha Shacabka ee dhawaan dalka ka bilaaban doonta.

Ugu dambeyn RW Rooble ayaa maamulka iyo dadweynaha reer Hirshabelle waxaa uu Eebe ugu rajeeyay in sanadkan kiisa kale ay ku gaaraan horumar iyo baraare.