Roob yari saamaysay beeralayda Afmadow

864

Roob yarida ka jirta deegaanada Jubbaland ayaa saamayn ku yeeshay dadka beeralayada ah ku nool degmada Afmadow oo beerahoodu ay ku baxaan biyaha Roob-ka.

Dadka beeray dalagyo kala duwan ayaa hadda aad uga walwalsan in ay roob la’aan u qalalaan dalagyadii ay beereen iyo waliba qudaarta intaba.

Qaar ka mida dadka beeralayada oo aan kula hadalnay Khadka Telephone ayaa nooga waramay saamaynta ay rrobyaridu ku yeelatay wax soo saarka beeraha.

Gudoomiyaha Beeralayada Raage Maxamed Xassan ayaa sheegay in 970 beeroo oo ku yaal afmadow ay qarka u saran yihiin dalagyadii la beeray in  ay qalala’aan halka qaar kale-na ayba bixiwaayeen.