Hay’adda tayo dhowr-ka Jubbaland oo kormeer ku samaysay xarumaha shirkadaha biyaha Kismaayo.

824

Hay’adda tayo dhowrka  Jubbaland ayaa kormeer  ku tagtay  xarumaha shirkadaha Biyaha ee magaalada Kismaayo.

Ujeedka Kormeerkan ayaa looga golleeyahay in shirkada tayo-dhowrka ay la socoto tayada biyaha ee magaalada Kismaayo.

Kormeerkani ay sameesey hey-ada dowliga ah ee taya-dhowrka dowlad goboleedka jubbaland ayaa sheegtey in kormeerkani uu yahay mid hordhac ah islamarkaana ay jiraan guddi baaris ah kuwaasi oo baari doona tayada biyada.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in la abaal marin-doono shirkadaha tayada biyahooda wanaagsan yahay.

 

Mamulaha shirkada biyaha  baraka abdirashid bare warsame ayaa so dhaweyey kormeerka ay hayadaha tayo dhowrka jubaland ay kusameeneyso shirkadaha soo saara biyaha .

Mamulaha Shirkada Biyaha caafi Abdiraxin Abdulhi Salax ayaa sidoo kale soo dhoweeyey boqasahada ay hay’adda tayo dhowrka Jubaland ugu imaaday isagoona hay’ adda uga mahadceliyey howsha wanaagsan ay u hayaan bulshada.

 

Ugu dambeeyntii Agasimaha hay’adda tayo dhowrka Jubaland Ibrahim Abukar Mohamed  ayaa ka warbixiyay muhimada kormeerkani isagoona sheegey in hayada ay shahaadoyin ay kubixin doonto tayo dhowrka.