
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka bulshada Jubbaland Ismaaciil Axmed Garas ayaa xarunta Wasaaradda ku qaabilay Wafdi heer sare ah oo ka socday Hay’adda UNICEF, kuwaa oo safar shaqo ku yimid magaalada Kismaayo, Wafdiga ayaa waxaa hogaaminaysay Madaxa Qeybta Wacyigalinta Caafimaadka ee UNICEF, Marwo Mandy iyadoo si way loosoo dhaweeyay masuuliyiinta.
Kulanka soo dhawaynta ayaa waxaa Wasiirka ku wehelinayay Agaaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo qaar kamid ah madaxda iyo Howlwadeenada Wasaaradda.
Kulanka oo ka dhacay xarunta dhexe ee Wasaaradda, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda Caafimaadka Jubaland iyo Hay’adda UNICEF.
Intii uu kulanku socday, waxaa la soo bandhigay waxqabadka qeybta Wacyigalinta Caafimaadka ee Wasaaradda, iyadoo sidoo kale laga wada hadlay baahiyaha jira ee ku saabsan wacyigalinta caafimaadka ee deegaanada Jubaland, iyo sida si wadajir ah wax looga qaban karo






![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







