Shirkadaha Ganacsiga Jubbaland oo joojiyey in qaatan lacagta $50 dollar

919

Shirkadaha ganacsiga   Magalada Kismaayo ayaa diiday   qadashada lacagta 50 ka doolar taas oo sameen ku yeelanin karta dadka dan yarta ah ee ku  ku nool Magaalada Kismaayo .

Shirkadaha  ganacsiga ayaa diidmada 50 dollar sabab uga dhigay in dalka ay soo gashay lacag falso ah oo doolar u badan $50 dollar taas oo aanu qabanay miishinta lacagta dollarka ah ee lagu ogaado lacagta been abuurka ah iyo mida caadiga.

Arintaan oo ah arin ku cusub guud ahaan dalka ayaa waxaa ay ka soo bilaabatay magaalada Hargaysa halkaas oo ahayd miishii ugu horaysay ee laga diiday lacagta $50 dollar

Qaar ka mida Madaxda Shirkadaha ganacsiga oo aan la hadalnay ayaa noo xaqiijiyey in aysan qadanaynin lacagta $50 dollar.

Dadwaynaha Soomaalida iyo waliba ganacsatada ayaa siwayn ugu tiirsan Isticmaalka lacagta dollar taas oo hadii la diido ay ka dhalan karto dhaqaale burbur xoogan iyo in uu nolasha dadka soomaaliyeed ku yeesho saamayn aan wanaagsanayn.

Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo warshadaha Jubbaland Cabdinuur Cali Aadan oo aan xidhiidh la samayn ayaa sheegay in shirkadaha ganacsiga ay kulan la qaateen kuna Amreen in ay qaatan lacagta $50 dollar.