Madaxweyne Kuxigeenka Jubbaland oo Ka Tacsiyeeyaya Geerida Ugaas Xasan

968

Madaxweyne kuxigeenka DG Jubbaland Mudane Maxamuud sayid Aadan ayaa ka tacsiyeeyay geerida kutimid Alle ha u naxariistee Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo ka mid ahaa tiirarka dhaqanka Soomaaliyeed oo caawa ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa xusay in Ugaasku uu ahaa haldoor dhaqan oo lagu soo hiran jiray, waxaa uu kaalin mug weyn ku lahaa nabadeynta iyo dowlad dhiska, gaar ahaan doorkii uu ku lahaa dhismaha Dowad Goboleedka Hirshabelle.

 

Madaxweynaha ayaana Marxuumka Alle uga baryay in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, sidokalena tacsi u diray dhammaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan hoggaanka dhaqanka, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Marxuumka.