Duqeyn lagu laayay maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab oo laga fuliyay Jubada hoose

916

Saraarkiil ka tirsan Ciidanka Xoogga ayaa sheegay in Duqeeyn kadhacday degaanka Buurtra kuumba oo qiyaastii 12 kiilo mitir ujirta magaalada jamaame ee gobolka jubada hoose ay ku burburiyay xarun Al-shabaab ay kutababarijireen Ciidankooda oo halkaasi kutaalay.

Duqeeynta oo warar hordhac ah kasoo baxayaan ayaa waxaa Saraakiishu sheegeen in  lagu dilay dagaalamayaalka tirsan Al-Shabaab kuwaasi oo kusugnaa xaruntaasi tababar.

Duqeynta waxaa sidoo kale, lagu burburiyay saldhig maleeshiyada ay ku laheyd goobta la beegsaday, saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in meydad iyo dhaawacyo badan la geeyay degmada Jilib ee gobolka Jubada dhexe.

Goobta la duqeeyay ayaa lagu sheegay in ay aheyd xero lagu tababarayay maleeshiyaadka loo diyaarinayo dhibaateynta dadka Soomaaliyeed ee Muslimka ah, sida saraakiisha qeybta 43 aad ee ciidanka xoogga dalka u sheegeen Idaacadda Codka Ciidamada Qalabka Sida.