Puntland oo beenisay in markabka Panama ay burcad badeed aftuubteen

947

Maamul-goboleedka Puntland ayaa ka hadlay warar soo baxay oo sheegaya in burcad-badeed Soomaali ah ay fduubteen markab laga leeyahay dalka Panama, kaas oo ka yimid magaalada Dubai ee dalka Imaaraatka Carabta una soo socday dekadda Muqdisho.

Injiner Maxamed Saalax oo ah Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Puntland oo  u warramay warbaahinta  ayaa beeniyay wararka sheegaya in la afduubtay markabka oo ay saarnaayeen 20 shaqaale ah. Wuxuu xusay in ay la soo deristay cillad farsamo uuna ilaa saddex maalmood ku laalaabanayay xeeb u dhow deegaanka Bareeda ee gobolka Bari.

“Xaashaa Lillaah, burcad-badeed goorta noogu dambeysay ma garaneyno, wararka la isla dhex marayo baraha bulshadana sal iyo raad malaha.” ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in markabka oo markii hore ay dadka deegaanka ka shakiyeen haatan la soo gabagabeeyay baaritaankii lagu sameeyay, isla markaana marka la xalliyo cilladda farsamada uu ku laaban karo halka uu ka yimid.

Xigasho:BBC.