MADAXWAYNE KU XIGEENKA JUBBALAND OO TABABAR U SOO XIDHAY SARAAKIIL CIIDAN

921
Amaal Cawil Xussien

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ahna kusimaha madaxweynaha mudane Maxamuud Sayid Aaden ayaa maanta ka qaybgalay munaasabad tababar loogu  Soo xirayay saraakiil ka tirsan ciidanka daraawiish-ta Jubbaland.

Tababarkaan oo saraakiisha u socday mudo bil ah ayaa tiradoodu waxaa gaadhaysa ilaa 78 sarkaal oo loo tababaray layli sarkaal iyo hab-ka hogaaminta Ciidanka.

Munaasabada tababarka loogu soo xidhay ayaa waxaa ka qayb galay madax iyo masuuliyiin kala duwan oo uu  ka mid yahay madaxwayne ku xigeenkii hore ee Jubbaland, hadana ah sanatar ka tirsan xildhibaanada Aqalka Sarre ee Somaliya Cabdullaahi Sheikh Ismaaciil Fartaag,Xubna ka Tirsan labada gole ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Ugu damnbeyntii waxaa munaasabada soo xiray Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Maxamuud Sayid Aaden isagoona halkaasi shahaadooyin ku gudoonsiiyey saraakiisha tababarka loo soo xiray