Wasiirka Warfaafinta Jubbaland oo Xilalka u Kala Wareejiyay Agaasimaha Cusub iyo Agaasimihii Hore ee Telefishinka Jubbaland

0
226
Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu kala wareegayay xilka Agaasimaha Telefishinka Jubbaland ayaa maanta lagu qabtay xarunta guud ee Telefishinka magaalada Kismaayo.
Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Jubbaland, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Agaasimaha Radio Kismaayo, maamulka iyo shaqaalaha warbaahinta Jubbaland.
Agaasimaha Radio Kismaayo, Sade Cabdi Tahliil, oo goobta ka hadlay, ayaa hambalyo iyo soo dhaweyn u jeediyay Agaasimaha cusub ee Jubbaland TV Cabdiraxmaan Bashiir Aadan (Happy), isagoo sheegay inuu rajeynayo inuu hoggaanka cusub sii amba qaado guulihii hore ee Telefishinka.
Agaasimihii hore ee Jubbaland TV, Cabdullaahi Cabdiraxmaan Barre, ayaa isna sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu xilka si nabad iyo niyad wanaagsan ugu wareejiyo Agaasimaha cusub. Wuxuu xusay in muddadii uu xilka hayay ay jireen guulo iyo caqabado, balse uu rajo weyn ka qabo in maamulka cusub uu sii xoojiyo horumarka Telefishinka.
Agaasimaha cusub ee Jubbaland TV, Cabdiraxmaan Bashiir Aadan (Happy), ayaa uga mahadceliyay Dowladda Jubbaland kalsoonida ay siiyeen, isagoo ballan qaaday inuu dardar gelin doono shaqada warbaahinta, tixgelin gaar ahna siin doono shaqaalaha iyo tayeynta adeegyada warbaahinta dowladeed ee Jubbaland.
Dhankiisa, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Jubbaland ayaa ku booriyay maamulka cusub inuu xoojiyo wada shaqeynta, hufnaanta iyo hal-abuurka warbaahinta, si Jubbaland TV uu u noqdo codka horumarka iyo midnimada bulshada.
Munaasabadda ayaa kusoo dhammaatay jawi farxadeed iyo is-afgarad guud oo ku saabsan sidii Telefishinka Jubbaland uu u sii noqon lahaa mid door muuqda ku leh horumarinta bulshada iyo wacyigelinta.