Qarax ay dad ku dhinteen oo ka dhacay Baladxaawo.

970

Wararka ka imanaya magaalada Baled Xaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in qarax xooggan uu ka dhacay magaaladaasi galabta, isla markaana dad badan ay waxyeello ka soo gaartay.

Dad magaalada deggan ayaa u sheegay warbaahinta  qaraxaasi uu ka dhacay goob ay dadku ku badan yihiin oo ku taalla suuqa xoolaha.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in ay arkeen maydka dhowr qof oo yaalla goobta qaraxu ka dhacay. Goobta suuqa ah ayaa la sheegay in lagu iibiyo xoolaha iyo sidoo kale qaadka. Suuqa ayaa ku yaalla xaafadda Siddeeda oo u dhow cisbitaalka degmada Buulo Xaawo.