Wasiir Cawad oo ku amray Safiirkii labaad in uu dalka deg deg ugu soo laabto.

925

Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya ayaa amray safiirka dowlada Soomaaliya u qaabilsan dalka Cummaan in uu si deg deg ah dalka ugu soo laabto.

Safiirka ayaa loo qabtay muddo afar cisho ah inay dalka ku soo laabto si wax looga weydiiyo khilaafka ka dhex jira safiirada iyo shaqaalaha safaaradda.

Wasiirka ayaa sidoo kale horay ugu amray in uu dalka si deg deg ah ugu soo laabto Safiirka Soomaaliya ee Suudaan ka dib markii Khilaaf isku badalay gacan ka hadal uu dhexmaray isaga iyo la taliyihiisa koowaad.