Ciidamada Daraawiishata Jubbaland iyo kuwa Xoogga dalka oo deegaano hor leh kala wareegay maleeshiyada Al-Shabaab

977

Ciidamadda Daraawiishta Jubbaland  iyo kuwa  Xoogga dalka ayaa ku sii qul qulaya nawaaxiga degmada Jamaame, iyagoo goobo hor leh kala wareegay maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab .

Korneyl Idiris Kuusow Sheikh Cabdi oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay jab xooggan gaarsiiyeen maleeshiyada Al-Shabaab,islamarkaana ay ka dul qaadeen shacabkii ay dhibaatada ku hayeen.

Kooxda Al-Shabaab ayaa bilaabay in ay ka carraraan deegaanada ay kaga sugan yihiin Jubbada hoose ka dib markii ay culeys Militari ay kala kulmeen Daraawiishta Jubbaland.iyo  Ciidanka Xoogga dalka