Madaxweynayaasha Soomaaliya & Jabuuti oo ka wada hadlay la dagaalanka Al-Shabaab

567

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Jabuuti oo ay wehelinayaan Wasiirro iyo masuuliyiin ka tirsan Labada dal ayaa yeeshay wada-xaajoodyo ku saabsan xiriirka Soomaaliya iyo Jabuuti, qiimeynta hannaanka iskaashiga soo jireenka ah ee labada dal iyo sidii loo sii horumarin lahaa.

Labada Madaxweyne oo shir-saxaafadeed wada qabtay kulanka kaddib, ayaa adkeeyey midnimada iyo walaalnimada ka dhaxeysa labada shacab, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu uga mahadceliyey Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, dowladda iyo shacabka Jabuuti sida ay u garab istaageen walaalahooda Soomaaliya, xilligii ay u baahdeen shacab iyo dowlad ahaanba.

Dhankiisa, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhaweynta walaalnimada leh ee ay u muujiyeen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna xusay in uu ajiibay martiqaad uu u fidiyey walaalkiis Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud si uu markhaanti uga noqdo guulaha laga gaaray howlgallada dib u xoreynta deegaannada ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Shirka labada dowladood, waxaa Madaxweyneyaasha ku wehelinayey, dhanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya; Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac, Wasiirka Warfaafinta iyo Dhaqanka Mudane Daa’ud Aweys Jaamac, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Mudane Abshir Maxamed Axmed iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud.

Halka dhanka Jabuuti ay ku matalayeen; Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamka Mudane Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirka Dhaqanka iyo Dhallinyarada Marwo Hibo Muumin Casaawe, LaTaliyaha Arrimaha Dhaqanka Mudane Aadan Xasan Aadan, Siihayaha Safaarada Jabuuti ee Soomaaliya Mudane Maxamed Ibraahim Yuusuf iyo Danjire Dayib Dubad Rooble.