Shacabka Jubbaland oo si cadho leh uga hadlay go’aanka uu Raysul wasaaraha dalka ku hakiyay mashaariic horumarineed oo laga fulin lahaa gobollo katirsan dalka oo ay Jubbaland ku jirto

0
1189

Dadka ku nool magaalada Kisamayo ayaa aragtido ka dhiibtay sida ay u arkaan Amarkii uu shalay galinkii danbe uu Raysalwasaaraha Soomaaliya Ku joojiyey Mashruuc ku kacaayey lacag dhan 112Milyan oo dollar kaas oo bank-ga Aduunka ugu talla galay in afar magaalo oo kala ah ,Kismaayo ,Garoowe ,Baydhabo iyo Muqdisho looga hirgaliyo Wadooyin laami ah .

Magaalada Kismaayo ayaa mashruuca ka heshay 16 waddo oo laam ah oo  dherarkoodu yahay 32km .

Dadka ku dhaqan Kismaayo oo radio Kismaayo wax ka waydiisay ayaa sheegay in aad uga xun yihiin amarka uu Raysalwasaaraha uu ku joojiyey mashruucan oo waxbadan ka tarilahaa dib u dhiska dalka .

Xafiiska Raysalwasaaraha Soomaliya ayaan sharaxaad ka bixinin sababta hakadka loo galiyey mashruucaan .