Shir looga hadlayo Amniga iyo la dagaalanka falalka liddiga ku ah sharafta iyo jiritaan ka bulshada oo lagu qabtay Gaalkacyo

1126

Kulankaan ayaa waxaa ka qayb galay Mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha dowlad goboleedka Puntland oo maalmahan ku sugnaa magalada Gaalkacyo iyo waxgaradka iyo Shacabka magalaada.

Kulankaan ayaa inta uu socday xoogga lagu saaray caddaalad u sameynta Marxuumad Caasho ilyaas oo Dil iyo Kufsi la iskugu daray iyo in waalidinta aysan kadama imaan dhalinyarada la tuhunsan yahay in ay qayb ka yihiin falalka lidiga ku ah Amniga.

Mas’uuliyiintii ka qayb galay ayaa sheegay in howl-galLada ay bilaabeen ciidanka loo madax baneeyo waxgaradka iyo Mas’uuliyiinta gobolka Mudug faragalinta ka daayaan,sidoo kale waxaa kulanka looga dhawaaqay in cidii isku dayda eedeysane in ay ku difaacdo Ehelnimo ama hayb Qabiil uu qofkaas ku dambi noqon doono