Dowladda Jubbaland oo si kulul u cambaareysay ficillada ay ku burburinayaan hanaanka dowladnimo ee Soomaaliya kooxda Xasan Sheekh

0
176

Dowladda Federaalka ah waxay si mas’uuliyad-darro ah ugu tumanaysaa Dastuurkii lagu doortay iyadoo wax ka beddel ku sameynaysa Dastuurka u maraysa hanaan baalmarsan habraacyadii ku qornaa wax ka beddelka Dastuurka, taas oo khatar ku ah jiritaanka Dawladnimada iyo Dastuurkii Heshiiska lagu ahaa ee ay isla ogolaayeen dhammaan dadka Soomaaliyeed.

Ficilladii u dambeeyay ee ka dhacay Golayaasha Baarlamaanka waxay muujinayaan xilkasnimo-darro weyn iyadoo Xildhibaanada qaar horjeeda go’aamadan uu dabada ka riixayo Madaxweynaha waqtigiisu gabagabada yahay, ay la kulmeen jirdil iyo handadaad halis gelisay naftooda.

Dowladda Jubaland waxay caddeynaysaa in aan Deegaanada iyo shacabka reer Jubaland lagu dhaqi doonin Dastuur aan loo dhamayn oo koox gaar ah samaysanayso, kaas oo aan haysan kalsoonida xubnaha labada gole iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.