Madaxwenaha Dowlad Goboleedka jubbaland oo ka hadlay Habka loo Xoojin karo wadashaqeenta Dowlada dhexe iyo Dowlad Goboleedyada

1378

Madaxwenaha Dowlad Goboleedka jubbaland mudane axmed maxamed islaam oo xalay khudbad taarikhi ah ka jeediyay xafladii Madaxwenaha puntalnd iyo ku xigeenkiisa oo lagu qabatay caasimada Puntalnd ee garoowe

Ayaa waxaa  xafladaa ka qeeb galay madaxwenaha soomaaliya mudane maxamed abdulahi maxamed farmaajo iyo xubno kale oo ka socday dowlada faderaalka

Waxaana  sidoo kale ka qeeb galay masuulyiin hore xilal ugu soo qabaty dalka  iyo madax ka socotay Dowlad Goboleedkayada dalka   

Madaxwenaha dowlad goboleedka jubbaland mudane axmed maxamed islaam oo ka mid masuulyiintii khubad ka jeediyay xaflada ayaa waxaa uu ka hadlay  qodobo dhoor ah oo ka  mid tahay  wadashaqeenta  dowlada dhexe iyo Dowlad Goboleedyada  Soomaaliya

Madaxwenaha oo mar ka hadlayay  sharciyada dowlada dhexe ay ku maamuli karto dalka iyo shaqada ay leeyihiin dowlad goboleedyada Ayuu ku sheegay in maamul walbo uu leeyahay sharci iyo kala dambeen Loona baahan yahay in dowlada federaalka ay ixtiraam siiso madaxda dowlad goboleedyada dalka iyagoo madaxada Dowlada faderaalka iyo Dowlad goboleedyada  u soo jeediyay in ay iscafiyaan

Madaxweenaha dowlad goboleedka jubbaland mudane axmed Maxamed islaam  ayaa ugu dambeentii hambalyo iyo bogaadin u jeediyay madaxwenaha iyo madaxwene ku xigeenka puntaland

madaxwenaha cusub ee puntaland saciid abdulahi deni iyo ku xigeenkiisa   Axmed Karaash Cilmi Cismaan (Karaash) oo xalay la soo gaba gabeyay xafladuuda caleemasaarka ayaa sheegay in shacabka puntaland ay heli doonaan  amni iyo xasilooni buuxda