Dowlada soomaaliya oo gawaarida gaashaam lagu warejiyay

1245

Dowladda Soomlaiya ayaa Maanta dowladda Qatar kala wareegtay qaar ka mid ah Gaadiidka nooca gaashaaman oo lagu talo galay Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed  

Mas’uuliyiin ka socotay dowladda Qatar  ayaa waxa ay sheegeen in Gaadiidkan ay ugu tala galeen inay ku howlgallaan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ee dagaalka kula jira maleeshiyaadka  Al-Shabaab

wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) iyo taliyaha ciidanka xooga Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe)

ayaa siwadjir Ah ula waregay gawaarida gaashaaman oo gaaraya 68  gawaari  ka dib munaasab kooban oo lagu qabaty muqdisho

Wasiirka Gaashaandhigga Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) aya dowladda Qatar uga mahad celiyay taageerada ay marwalba la garab taagan tahay soomaaliya iyo Gaadiidka nooca gaashaadhaan oo ay Maanta ugu deeqday.

Taliyaha Ciidanka xooga dalka sareeye gaas Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe) ayaa dhawaan Muqdisho kula kulmay Saraakiil ka socotay Taliska Malatariga Dalka Qatar,kuwaas oo balan qaday inay Ciidamada xooga dalka ka caawin doonaan dhinaca tababarada