Wafdi ka soda dalka Qatar oo gaaray Muqdisho

1071

Wafdigan oo ka socday wasaaradda gaashaandhigga dowladda Qatar ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, ayagoo kulamo la leh madaxda wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya iyo taliska ciidanka xoogga dalka.

Wadahadallada labada dhinac ayaa diiradda lagu saarayaa xoojinta wada shaqeynta labada dal iyo kaalmada ay Qatar siiso Soomaaliya.

Wixii ka danbeeyay markii uu xumaaday xiriirka dowladda sucuudiga iyo Qatar islamarkaana ay dowladda Sucuudiga xiriirka u jartay qatar, waxaa ay dalal badan oo carbeed xiriirka u jareen Qatar, balse Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay arimahaasi dhex-dhexaad ka tahay.