RW Rooble oo Madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqay in uu dalka ka ilaaliyo Milkiile

551

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ee Soomaaloya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Madaxweynaha dooran ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ka dalbaday in uu dalka ka ilaaliyo Milkiile, isla markaana go’aanka lagu maamulayo uu isaga qaato.

Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayay Idaacadda Voa-da wuxuu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh ay doorteen Baarlamaan ayna jirin cid si gooni ah u keensatay, wuxuuna ka dalabaday in go’aan kasta oo la qaadanayo uu u ekaado isaga o iyo Ra’iisul Wasaarihiisa & cidda markaas xukunka la joogyo

Hadalka Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Roible ayaa kusoo aadaya xilli 5-tii Sano ee la soo dhaafay oo uu dalka Madaxweyne ka ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay dad badan sheegayeen in Fahad Yaasiin oo wax badan Maamulayay Hay’adda NISA uu ahaa Milkiilaha dalka si hoose u maamulayay.